Google search engine
HomeWararka Maanta45 wariye ayaa lagu dilay Yemen tan iyo markii uu dagaalku ka...

45 wariye ayaa lagu dilay Yemen tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay 2015:

Sahan media Muqdisho: 45 Suxufi ayaa lagu dilay dalka Yemen tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay iyo kooxda Xuuthiyiinta sanadkii 2015-kii, sida ay sheegeen koox saxafiyiin ah Jimcihii.

Ururka Saxafiyiinta Yemen ee Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ayaa sheegay in 165 goobood oo saxaafaddu ay shaqada joojiyeen, 200 oo mareegaha wararka maxalliga ah iyo kuwa Carabtana la xayiray tan iyo 2015kii.

Si kastaba ha ahaatee, ma aysan eedeyn kooxna inay ka dambeeyaan weerarada iyo xadgudubyada ka dhanka ah saxafiyiinta.

Waxay ku boorisay dhammaan dhinacyada inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo xorriyadda saxaafadda ee dalka.

Yemen waxa ay weli u qaybsan tahay saddex aag oo saamayn ku leh — dawladda sharciga ah ee Sucuudigu taageerayo, Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran iyo Golaha Ku-meel-gaadhka ah ee Koonfurta (STC) oo ay taageerto Imaaraadka Carabta (UAE).

Dalka Yemen ayaa waxaa ka socday colaado tan iyo markii ay faragelin milateri ku sameeyeen xulafada Carbeed ee uu Sucuudigu hoggaamiyo bishii March ee sannadkii 2015-kii, kaddib markii Xuutiyiintu ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Sanca.

Labadii sano ee la soo dhaafay, Yemen waxaa ka jiray xaalad xabbad-joojin ah, waxaana joogsaday dagaalladii u dhexeeyay dhinacyada isku haya dalkaas, haddana, xaaladda dalka ayaa weli ah mid aan xasilloonayn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments