Google search engine
HomeWararka MaantaMuseveni oo markii ugu horreysay ka furay Bangi Islaami ah dalka...

Museveni oo markii ugu horreysay ka furay Bangi Islaami ah dalka Uganda

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa si rasmi ah u daah furay Bangi Islaami ah oo faa’iidoi la’aan ah, kaasoo noqonaya kii ugu horreeyay abid.

Musaveni waxa uu sheegay in hay’addani ay awood u leedahay in ay wax weyn ka tarto horumarinta dhaqaalaha dalka, isla markaana ay soo jiidato maalgashadayaal badan oo Muslimiin ah.

“Waxaan idinku dhiirigelinayaa inaad la dagaalantaan faqriga oo aad hanti u abuurtaan,” ayuu yiri madaxweynuhu wax yar ka dib markii uu Arbacadii ka furay bangiga caasimadda Kampala.

Bishii Sebtembar ee sannadkii hore ayaa la bixiyay shatigii ugu horreeyay ee Bangi Islaami ah, kaddib markii baarlamaanka Uganda uu ansixiyay sharci ogolaanaya bangiyada Islaamka, kaasoo Mr Museveni uu saxiixay.

Lama ogola in la bixiyo oo ribo laga qaato bangiyada Islaamiga ah, balse waxay ku salaysan tahay faa’iido wadaag.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments