Sahan media Muqdisho: bangiga adduunka oo ka hadlayay dib u shaqo oo dhanka dowladda Somaliya ayaa qoraal adag u soo diray Somaaliya, qoraalkii oo aan soo koobnay waakan:
Qoraalka Bangiga Adduunka waxa uu xubnaha dowladda u sheegay in xisaab-xirkii dhaqaalihii Bangiga ka baxay aan lasoo gudbin, 31-ka December 2022-kii.
Xisaab-xirkan muddo dhaafay ayaa illaa hadda la haynin, waana midda ka careysiisay Bangiga Adduunka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatay in loogu daro 9 bilood, welina lama keenin xisaab-xirka.
Bangiga Adduunka oo u muuqda mid aan qaadan karin dib u dhaca ku yimid soo xareynta xisaab-xirka ayaa haatan sheegay in waqtiga kama dambeysta ah uu ku eg’yahay 31-ka bishaan March.
Bangiga ayaa ku goodiyay inuu qaadi doono haddii waqtigaas lagu soo gudbin waayo warbixinta illaa lix tallaabo oo kala ah;
- Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.
- Lama kordhin doono mashaariicda hadda socota.
- Wada xaajoodyada labada dhinac ahaa dhamaantood dib ayaa loo dhigi doona, xitaa kuwii qorsheysnaa bisha soo aadan ee April ee sanadkaan.
- Dhamaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidoo kalena waxaa la hakinayaa lacagaha mashaariicda hadda socota.
- Bangiga ayaa waxa kale oo uu hakin doona deeqaha ay saameynayso warbixinta aan illaa hadda lasoo gudbin.
- Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa iyagana la hakinayaa.
- Sido kale waxa uu Bangiga Adduunka ku hanjabay in uu joojin soono illaa saddex mashruuc oo muhiim ah oo qorshuhu ahaa in bisha April la fasaxo oo uu bixiyo dhaqaalihiisa, meeshana waa ka baxayaan haddii ay dowladda federaalka kusoo gudbin weydo warbixinta xisaab-xirka muddo ku siman saddex maalmood.