Sahan media Muqdisho: Ma jiro wax go’aan ah oo laga gaaray ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Niger, afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay.
“Ma jiraan wax go’aanno ah oo laga gaaray arrintan ku saabsan dhaqdhaqaaqa ciidamada Mareykanka,” ayuu yiri Maj. Gen. Pat Ryder oo la hadlay saxaafadda mar wax laga weydiiyay mustaqbalka ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka ku yaalla galbeedka Afrika.
Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii dowladda Niger ay sheegtay in Mareykanka uu soo gudbin doono qorshe uu “ka saarayo” askartiisa dalka. “Hagaag, waan arkay maqaalkaas…Runtii waxba kuma hayo taas.
“Ogaalkayga, waxaa sii socda wada-hadallada socda xilligan,” Ryder ayaa raaciyay.
Niger waxa ay joojisay heshiiskii milatari ee mudada dheer ay kula jirtay Washington horraantii bishii March, iyada oo ku dhawaaqday joogitaanka dhammaan 1,000ka askari ee Maraykanka ah iyo qandaraaslayaasha “mid sharci darro ah.”
Af hayeenka dawlada Niger Amadou Abdramane ayaa sheegay in dawladu ay sharci darro u aragto joogitaanka ciidamada Maraykanka ee dhulka Niger sababtoo ah “si dimoqraadi ah looma ansixin waxayna ku soo rogtay Niger shuruudo aan wanaagsanayn, gaar ahaan marka la eego hufnaan la’aanta dhaqdhaqaaqa milatari.”
Xilligii dowladihii hore ee dalka Niger, ciidamada Mareykanka ayaa ciidamada Niger u tababari jiray la dagaalanka argagixisada.