Sahan media Muqdisho: Soomaaliya marna aqbali mayso qorshaha ay Itoobiya ku doonayso inay saldhig ciidan uga samaysato Somaliland, balse waxay ka fiirsan doontaa in Itoobiya ay hesho deked ganacsi haddii ay labada dhinac ka wada hadlaan, sidaa waxa yidhi Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Jimcihii shalay.
Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa bishii January khilaaf diblomaasiyadeed ka dhex dhalisay Muqdisho iyada oo Somaliland la saxeexday heshiis ay ku kirayso 20 km (12 mayl) oo xeebteeda ah si ay Somaliland ugu aqoonsato dal madaxbannaan.
Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darro ah maadaama ay Somaliland u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda inkasta oo ay heshay madaxbannaani taabogal ah tan iyo 1991kii.
Soomaaliya waligeed ma aqbali doonto (a) saldhigga ciidamada badda…Soomaaliya waxay diyaar u tahay in la galo ganacsi si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee badaha,” ayuu yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay ka wadahadlaan soo jeedinta ilaa inta ay ka soo baxayaan danaha dalka oo ah “Gobanimadeena, Madaxbanaanida Siyaasadeed iyo Midnimadeenna dhuleed.