Google search engine
HomeWararka DibaddaShan sano ayaa ka soo wareegtay afduubkii Assel iyo Landy

Shan sano ayaa ka soo wareegtay afduubkii Assel iyo Landy

Sahan media Muqdisho: Shan sano ayaa ka soo wareegtay afduubkii ka dhacay Kenya, Abriil 12, 2019, dhakhaatiirta Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández, dhakhaatiir Cuban ah oo ka shaqaynayey dalkaas taas oo qayb ka ahayd heshiis iskaashi oo dawladeed oo ay si mutadawacnimo ah uga qayb qaadanayeen.

Tan iyo markii la ogaaday afduubka foosha xun, dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Kuuba waxay sameeyeen dadaallo aan la soo koobi karin si ay u badbaadiyaan labada dhaqtar, dibna ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Dowladda Kuuba waxa ay uga mahadcelineysaa dowladaha Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka kale dadaallada weli socda ee lagu soo deynayo dhaqaatiirteena.

Bishii Febraayo 17-keedii, waxaan helnay war adag oo walaac leh oo ku saabsan dhimashada la sheegay in lagu dilay laba qof oo walaalaheen ah, kuwaas oo ku waxyeeloobay weerar cirka ah oo dhacay 15-kii Febraayo, oo ay geysteen ciidamada militariga Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya.
In kasta oo ay jiraan dadaallo badan oo ay samaysay dawladda Kuuba, haddana ma suurtagelin in la helo xog iyo caddaymo lagu gaadho gunaanad dhab ah oo lagu caddeeyo xaaladda Assel iyo Landy, haddii ay weli nool yihiin iyo in la xaqiijiyo warka murugada leh ee la shaaciyey 17-kii February. .

Xogta la helay ilaa maanta kuma filna in la xaqiijiyo xaqiiqada wixii dhacay iyadoo la raacayo habraacyada sayniska iyo sharciga qaranku ansixiyay.
Waxa ilaa hadda la xaqiijiyey in habeenimadii 15-kii February 2024-ka, taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ee ka hawlgala Soomaaliya ay weerar xagga cirka ah ka fuliyeen deegaanka ay ku sugnaayeen dhakhaatiirta Cuba.

Marka la eego nooca uu yahay khilaafka ka jira Soomaaliya iyo suurta galnimada in la helo xaqiijin, todobaadyadii la soo dhaafay dowladda Kuuba waxa ay si isdaba joog ah uga codsatay, xiriir toos ah iyo qoraallo dublamaasiyadeed oo ay u dirtay dowladda Mareykanka, in xog sax ah laga siiyo dhacdooyinkii dhacay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments