Google search engine
HomeDiasporaSoomaaliya diyaar ma u tahay maalgashi?

Soomaaliya diyaar ma u tahay maalgashi?

Sahan media Muqdisho: Soomaaliya waxay samaysay horumar la taaban karo oo ay ku noqonayso dimoqraadiyad xasilloon oo nabad ah. Taas waxa daliil u ah isbedelada siyaasadeed ee nabdoon ee dalka ka dhacay 2012, 2017 iyo 2022.

Inkastoo ay soo food saartay caqabado dhowr ah, dowladdu waxay sii xoojisay ku dhaqanka dimuqraadiyadda iyo dowladnimada, taas oo tusaale u ah in si guul ah loo soo gabagabeeyay geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. Sidaa darteed, waxaa la xoojiyay aasaaskii dhaqaalaha, nabadiina waxay siisay maalgashadayaasha kalsooni ay ku maalgashadaan dalka, iyadoo la og yahay in maalgashigoodu yahay mid sugan oo faa’iido leh.

Soomaaliya waxaa ka jira fursado maalgashi oo waa weyn, waana sababta ay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (MoPIED) oo kaashaneysa National Media Group ay qabaneyso Shirka Maalgelinta Soomaaliya oo socon doona muddo labo maalmood ah 24-ka iyo 25-ka Abriil 2024. Munaasabadda waxaa loogu talagalay in lagu soo bandhigo fursadahan maalgashadayaasha mustaqbalka.

Dalku waxa uu u soo jeedinayaa maalgashadayaasha gudaha iyo dibaddaba waxa ay salka ku haysaa dhawr arrimood. Bishii Disembar 2023, deynta dibadda ee dalka waxaa hoos u dhigay $4.5 bilyan oo ay sameeyeen Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ka dib markii ay la kulmeen bartii dhammaystirka Hindisaha Waddamada Faqiirka ah ee deymaha leh (HIPC).

Tani waxay ka dhigan tahay in deymaha dibadda ee Soomaaliya ay hoos uga dhaceen 64 boqolkiiba GDP sanadka 2018 oo ay ka dhigeen wax ka yar lix boqolkiiba GDP dhammaadka 2023. Tani waxay u ogolaaneysaa dalka inuu helo ilo dhaqaale oo badan oo gacan ka geysanaya xoojinta dhaqaalihiisa, dhisidda kaabayaasha, hoos u dhigista saboolnimada iyo abuurista fursado shaqo. Natiijo ahaan, suuqa gudaha ayaa la filayaa inuu kordho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments