Google search engine
HomeWararka MaantaWasiirka arrimaha gudaha oo xilka la wareegay

Wasiirka arrimaha gudaha oo xilka la wareegay

Sahan media Somalia: Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa maanta si asmi ah ula wareegay xilka wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana uu kala wareegay Axmed macain Fiqi oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kala wareejiyey labada wasiir.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi uu xaqiijiyay halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaas oo muddo gaaban lagu gaaray.

Mudane Saalax ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnimada Soomaaliya in ay ka muuqato astaamihii federaalka, isaga oo kula dardaarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama ay inta badan ay dhammeystiran yihiin shuruucdii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments