Sahan media Muqdisho: Shan qof ayaa qaraqmay lix kalena waa la waayay kadib markii doonidii ay la socdeen ay degtay Isniintii lasoo dhaafay xilli ay ka soo ambabaxeen Zanzibar kuna sii jeedeen degmada Pangani ee gobolka Tanga ee Tanzania. Maamulka deegaanka ayaa sheegay in shan meyd ah laga helay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha degmada Pangani Musa Kilakala ayaa xaqiijiyay dhacdadan naxdinta leh, wuxuuna sheegay in booliska ay bilaabeen baaritaano ku aadan dhacdadan. “Ciidamadeenna ammaanka waxa ay la kaashanayaan dhiggooda Kenya si ay xog u ururiyaan, wixii ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa waqtigeeda,”
Markabkan oo ay saarnaayeen dad isugu jira shacab ah, iyo ganacsato, ayaa waxaa qabsaday dabeylo, waxaana uu ku dhex lumay daadka.
“Waxaan si firfircoon uga shaqeyneynaa sidii rakaabka la la’yahay aan ku heli lahayn xuduudda Tanzania iyo Kenya,” ayuu Kilakala ku daray.
Dhinaca kale, roobab mahiigaan ah oo aan kala joogsi lahayn ayaa weli ka da’aya koonfurta Tanzania, gaar ahaan degmada Kilwa ee gobolka Lindi, kuwaasoo sababay burbur baahsan oo soo gaaray beero, guryo iyo waddooyin.
Janet Mrosso oo ka mid ah dadka deegaanka Makaganga oo sidoo kale gurigeeda uu burburay ayaa ka hadashay xaalada qoyskeeda oo aad u liidato. Wax walba way tageen. Ma garanayo waxaan samayn karno. Waxaan si degdeg ah ugu baahanahay cunno iyo daawo,”.
Muuqaallo ay baahiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah ayaa muujinaya burburka baaxadda leh ee ay geysatay duufaanta Hidaya, oo ay ku jiraan guryo badan oo dumay iyo geedo qumbaha ah, taas oo ay uga sii dartay roobab xooggan iyo dabeylo xooggan oo hakad geliyay adeegyadii doomaha ee isku xiri jiray Zanzibar iyo Dar es Salaam.
Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa ku amartay mas’uuliyiinta in ay gurmad u fidiyaan dadka ay saameysay duufaanta Hidaya, halka Ra’iisul Wasaare Kassim Majaliwa uu amar ku bixiyay in la xoojiyo dadaallada samata bixinta ee Kilwa, halkaas oo in ka badan 40 qoys ay weli ku hareereysan yihiin daadad.