Google search engine
HomeWararka MaantaReer Hiiraan oo isu tagay maxaa cusub?

Reer Hiiraan oo isu tagay maxaa cusub?

Sahan media Muqdisho: Madaxweyne kuxigeenka HIRSHABELLE Yuusuf Dabageed ayaa ka Hadley xaaladda cakiran ee HIRSHABELLE, wuxuu sheegay in khilaafka u dhexeeya reer Beledweyne iyo HirShabelle uu saameyn ku yeeshay horumarkii maamulkaasi, loona baahan yahay in xal loo helo.

“Wax haddii ay halaabaan waa naga dhexeeyaan, haddii ay hagaagaana waa naga dhexeeyaan waxaan laga tashan waa halaabaayaan in la’is khilaafo iyo khilaaf micnihiisana waan aragnay” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo ka hadlayay khilaafka la dagay HirShabelle.

Madaxweynaha ku xigeenka HirShabelle ayaa shaaca ka qaaday inay haboon tahay in dib loo saxo wixii khaldamay oo la’isugu yimaado miiska wada-hadalka, si xal loo wada gaaro.

“Muslim waa khaldamaa ee waxaa haboon inaan wax saxno oo ka wada tashano oo wanaagii aan ka wada shaqeyno” ayuu mar kale yiri madaxweyne ku xigeenku.

Dabageed oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray reer Beledweyne, wuxuuna ka codsaday inay kusoo laabtaan HirShabelle, si looga gudbo khilaafka labada dhinac.

Dadka Soomaaliyeed oo walaalahey ah oo Beledweyne jooga waxaan ka codsanayaa inaan tashano oo waxa naga dhexeeya aan ka tashano” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada uu hadda Beledweyne ay ka socdaan kulamo kala duwan oo ay wadaan taliyaha NISA, Sanbaloolshe, hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleyda Cali Jaytse iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments