Sahan media Muqdisho: Maamulka Yemen ayaa sheegay in markabka Hindiya oo shalay lala haleelay sadax gantaal ayaa siday shixnad weyn oo sibidh ah oo laga keenay Imaaraatka Carabta, looguna talagalay saldhigyo militari oo ajnabi ah ayaa ku degay xeebaha gobolka Socotra ee Yemen Arbacadii, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Yemen, taasoo keentay dhimashada hal qof oo ka mid ah shaqaalihii markabka iyo badbaadinta siddeed kale.
Saeed Al-Asmahi, oo ah agaasimaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Socotra, ayaa yiri “Markabka Hindiya, Al-Jilani, wuxuu ku degay meel 30 nautical miles u jirta Jasiiradda Socotra, isagoo siday shixnad dhan 600 oo tan oo sibidh ah,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka Yemen ee Saba. .
“Maamulka deegaanka ee gobolka ayaa u abaabulay doon goobta uu ku degay markabka, waxaana la badbaadiyay sideed ka mid ah sagaalkii shaqaalaha, halka mid ka mid ah la la’yahay,” ayuu raaciyay.
Al-Asmahi ma bixin faah faahin dheeri ah, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Hindiya oo ku aadan dhacdadan.