Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Golaha Madaxweynayaasha ee Liibiya Maxamed Al-Mniifi ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Xafiiska warbaahinta ee Madaxweynaha Golaha Madaxweynayaasha ayaa yiri “Wada hadaladii dhexmaray Al-Mnifi iyo Xasan Sheekh waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii amba qaadi lahaa horumarka iskaashi ee labada dal iyadoo xoojinaayo horumarinta xiriirka labada dal.
sidoo kale iyadoo laga duulayo waxyaabihii lagu heshiiyey shirarkii hore iyo si loogu adeego labada shacab ee walaalaha ah, iyadoo ay sii dheer tahay in la sii wado wada-tashi dhexmara goleyaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.”