Sahan media Muqdisho: Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa dalbatay in la soo xiro ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasiirka gaashaandhigga iyo sidoo kale madaxda Xamaas. Sida laga soo xigtay maxkamadeynta, hogaamiyayaashan ayaa loo heystaa dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Dacwad oogaha guud ee maxkamadda, Karim Asad Ahmed Khan, ayaa eegaya kiiskan. Karim Khan waa Pakistani asal ahaan.
Dhegaysiga dacwadda, waxuu sheegay in ay jiraan “caddeymo la taaban karo” oo muujinaya in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza Yahya Sinwar ay galeen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Ma aha oo kaliya labada shaqsi, laakiin sidoo kale waxaa la tuhunsan yahay hogaamiyayaasha Xamaas, Ismail Haniyeh, Mohamed Al-Masri, iyo wasiirka difaaca Israel, Yoav Galant.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa cambaareeyay codsiga dacwad oogaha guud ee ah in la soo xiro, isaga oo sheegay in ay tahay “tallaabo aan macquul ahayn oo been abuur ah.”
Netanyahu ayaa sheegay in isbarbardhiga lagu sameeyay isaga iyo Xamaas in ay tahay qalloocin xaqiiqadda ah.