Sahan media Muqdisho: Mareykanka ayaa u ololeynaya in la sii wado xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka kadib wadahadal dhex maray xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Blinken iyo Maxamuud ay ka wada hadleen “sii wadista” howlgalka Qaramada Midoobay intii uu socday kulankooda, isagoo soo jeediyay in Mareykanka uu doonayo inuu sii shaqeeyo xafiiska inkastoo Soomaaliya ay dhawaan codsatay joojinta.
Bishii hore, Soomaaliya waxay ku baaqday in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM), xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee caasimadda dalka ee Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka jawaabay inuu si ku meel gaar ah u magacaabay Diblomaasi Mareykan ah oo ruug-caddaa James Swan inuu noqdo ergaygiisa Soomaaliya.
Khilaafka ku saabsan xaaladda UNSOM ayaa yimid iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda gobolka, taasoo hadalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sabtidii lagu sheegay inuu sidoo kale ahaa mowduuc ay ka wadahadleen madaxda Mareykanka iyo Soomaaliya. Afhayeenka ayaa sheegay in Blinken uu ku nuuxnuuxsaday “baahida loo qabo in la dhimo xiisadaha gobolka” isaga iyo Maxamuud, taasoo ah tilmaan muuqata oo ku saabsan khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalka deriska ah ee Itoobiya ee ka dhashay heshiis iskaashi oo saldhig milatari oo dhowaan la gaaray.
Wadahadalka dhexmaray Blinken iyo Maxamuud ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha ka dambeeya 2024-ka markaas oo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo hadda loo yaqaan ATMIS, uu mas’uuliyadda amniga ku wareejin doono ciidamada Soomaaliya, xilli dagaallada lagula jiro Al-Shabaab.