Google search engine
HomeWararka MaantaDai Bing: oo ah ku-xigeenka ergayga joogtada ah ee Shiinaha u jooga...

Dai Bing: oo ah ku-xigeenka ergayga joogtada ah ee Shiinaha u jooga UNka oo ka hadlay Soomaaliya

Sahan media Muqdisho: Ergeyga Shiinaha ayaa Isniintii ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliya ka jira inay hormariyaan danta dalka iyo dadka, isla markaana khilaafaadka lagu xalliyo wada hadal iyo wada tashi.

“Beesha Caalamku waa in ay u hoggaansamaan mabda’a ay Soomaalidu hoggaamiso iyo mid ay Soomaalidu leedahay, kana fogaadaan cadaadis iyo faragelin dibadeed ama in ay soo rogaan qaab kasta oo dowladnimo,” ayuu yiri Dai Bing oo ah ku-xigeenka ergayga joogtada ah ee Shiinaha u jooga Qaramada Midoobay oo la hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ergayga ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la horumariyo hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wuxuu soo dhaweeyay shirkii golaha wadatashiga qaran ee dowladda federaalka Soomaaliya ay bishii May ee sanadkan la yeelatay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, kaasi oo looga hadlay arrimo muhiim ah sida dib u eegista dastuurka iyo hannaanka doorashada.

Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxa uu sameeyey dadaallo la taaban karo sannadihii la soo dhaafay si uu Soomaaliya uga taageero horumarinta isbeddelka siyaasadeed iyo dib-u-habaynta laamaha amniga.

“Shiinuhu waxa uu UNSOM ka taageerayaa in sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo jadwal cilmiyaysan oo macquul ah oo u dhigma jadwal kala-guurka oo waafaqsan shuruudaha dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Dai.

Isagoo ka hadlayay xaaladda ammaanka, ayuu Dai xusay caqabadaha ka dhalan kara weerarradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geysteen Muqdisho iyo meelo kale, kuwaasoo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

“Beesha Caalamka waa in ay sii wadaan taageerada ay Soomaaliya ka siinayaan dhismaha ciidamada ammaanka, fulinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada, si tartiib tartiib ah ay ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga si madax-bannaan,” ayuu yiri.

Safiirka ayaa ku baaqay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo sidii loo sii wadi lahaa taageerada Soomaaliya loo fidiyo si looga fogaado in ay dhacdo habacsanaan dhanka ammaanka ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay dhaqaale yarida soo wajahday ATMIS iyo qabanqaabada la socota.

“Shiinuhu wuxuu rajeynayaa in deeq-bixiyeyaasha ka jawaabaan codsiga Xoghayaha Guud oo ay si firfircoon u soo dhamaystiraan farqiga maalgelinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments