Sahan media Muqdisho: Xaaladda qaraxa dagmada Boondheere ayaa waxaa ka warramay Booliska Soomaaliya oo sheegay, in ugu yaraan 5 ilaa 9 qof ay ku dhinteen 20 kalana ku dhaawacmeen qarax caawa fiidkii ka dhacay bannaanka maqaayadda Top Coffee ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay baabuur ay ku jiraan waxyaabaha qarxa oo la dhigay maqaayadda agteeda.
Maqaayadda oo ku taalla meel u dhow xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa waxaa xilligaasi ku sugnaa dhalinyaro badan oo daawanayay ciyaarta finalka Koobka Qaramada Yurub oo ay ku guuleysatay Isbayn.
Mas’uuliyiinta dawladda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay. Ma jirto wali cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.
Waxaa weli socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, sida ay qortay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.
Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.
Labadi sano ee lasoo dhaafay waxaa aad u yaraa qaraxyada ka dhacayay magaalada Muqdisho, arrintaas oo ay shacabka ku tilmaameen horumar dhanka amniga ah, hase yeeshee khubarrada amniga ayaa sheegaya in qaraxani uu tusaale u noqon karo in wali ay jirto khatar xagga amniga ah oo ka taagan caasimadda Soomaaliya.