Google search engine
HomeWararka MaantaGo'aanka dowladda ee hubka ka yimid Ithiopia

Go’aanka dowladda ee hubka ka yimid Ithiopia

Sahan media Muqdisho: Dowladda ayaa eeda hubkaasi lasoo geliyey dalka u saartay dad ay ugu yeertay ganacsato, balse ay iyagu gacanta ku dhigeen kahor intaysan xoog kula wareegin shacabka iyo maleeshiyaadka ku sugan waqooyiga Galgaduud.

Xoojinta dowlada Federaalka ee ah inay ciidamadooda ku lug lahaayeen gelbinta hubkaasi dalka lasoo geliyey iyo hanjabaada ku socota dadka deegaanka ee hubka la wareegay ayaa dhalinaya su’aalo horleh oo ku aadan kaalinta ciidamada Federaalka ku leeyihiin colaadaha ka jira qeybo kamid ah maamulka Galmudug.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee Federaalka ayaa u qornaa sidan:

Hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ayaa waxay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud.

Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas.

Ka ganacsiga hubka sharcidarrada ahi waxa ay fursad u tahay Kooxaha Khawaarijta ah, sidaas oo kale waxa ay qayb wayn ku leedahay hurinta colaadaha dhexmara Qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah.

Dawlada Federalka ah waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka faraysaa in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas.

Ugu danbayn Dawladdu waxa ay ka tacsiyaynaysaa Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhalatay falkaas jid-gooyada ah ee ay gaysteen Maleeshiyaadka hubaysan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments