Google search engine
HomeWararka MaantaGiuseppe Zizzari: Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Midowga Yurub Soomaaliya Oo Xilkii La...

Giuseppe Zizzari: Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Midowga Yurub Soomaaliya Oo Xilkii La Wareegay.

Sahan media Muqdisho: Munaasabadda ayaa waxaa shir guddoominayay Agaasimaha Guud ee Qorsheynta iyo Awood-Dhaqdhaqaaqa Milliteriga (MPCC), Sarreeye Guuto Michiel van der Laan, oo mas’uul ka ahaa wareejinta mas’uuliyadda labada Sarreeye Guud ee Ciidanka Talyaaniga.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday saaxiibada caalamiga ah iyo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa rayidka ah, kuwaasoo muujiyay xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya.

Sarreeye Guuto Fulvio Poli ayaa intii uu khudbadiisa ku guda jiray waxa uu ugu horeyn xusuustay nafhurnimadii ugu dambeysay ee ay u geysteen shacabkii iyo askartii ka qeyb qaatay howlgallada ama howlaha rayidka ee lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo tusaale iyo dhiirigelin u noqday dhismaha Soomaaliya oo nabad ah oo xasiloon.

Kadibna waxa uu carabka ku dhuftay horumarka baaxadda leh ee ay sameeyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay taasi oo ku timid dadaalka wadajirka ah ee EUTM Soomaaliya iyo dhammaan saaxiibada caalamka. Gabagabadii, General Poli wuxuu u mahadceliyay ragga iyo dumarka sida tooska ah uu u maamulayay mudadii dheereed ee uu xilka hayay, qoyskiisana ay garab istaageen, wuxuuna u rajeeyay ninka bedelaya, Sarreeye Guuto Giuseppe Zizzari, in uu u fududeeyo xilka.

Sarreeye Guuto Zizzari, ayaa khudbadiisa ku sheegay inay sharaf weyn u tahay inuu qabto xilkan sharafta leh, isagoo caddeeyay in dadaal kasta lagu bixin doono danta hay’adaha Soomaaliyeed.

Intii ay socotay xafladda, General Poli waxaa la guddoonsiiyay bilad sharafta ugu sareysa ee howlgallada Midowga Yurub ee lagu taageerayo difaaca iyo amniga, CSDP “Bilada Adeegga Sharafta Aan Caadiga Ahayn”, isagoo ku muteystay kaalintii uu ka qaatay dib u dhiska nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ku dhawaad ​​150 askari oo Talyaani ah oo ka howlgala caasimadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah howlgalka EUTM-Soomaaliya, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu tababaro ciidamada ammaanka Soomaaliya. Hawlgalka EUTM-S waxaa kaabaya shaqaale militari oo ka socda Giriiga, Finland, Faransiiska, Portugal, Romania, Spain, Sweden, iyo Serbia

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments