Google search engine
HomeWararka DibaddaTaliyaha ciidamada Bangladesh oo xukunka la wareegay kuna dhawaaqay dowlad ku...

Taliyaha ciidamada Bangladesh oo xukunka la wareegay kuna dhawaaqay dowlad ku meel gaar ah

Sahan media Muqdisho: Taliyaha millatariga Bangladesh Gen. Waker-uz-Zaman ayaa Isniintii ku dhawaaqay dawlad ku meel gaar ah ka dib markii raysal wasaare Sheikh Hasina ay dalka uga carartay mudaharaadyo rabshado wata oo dalka oo dhan ka dhacay.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay laguna dhaawacay dibadbaxyada tan iyo bishii July, kuwaasoo markii ugu horreysay ku baaqayay in la baabi’iyo kootada shaqooyinka dowladda, kaddibna ay is casisho Hasina oo xukunka heysay tan iyo 2009-kii.

Haweeneydan oo 76 jir ah ayaa waxaa dhalay Sheekh Mujibur Raxmaan oo ahaa hogaamiyihii aasaasay dalka Bangladesh.

Khudbad uu u jeediyay qaranka ka dib markii uu la kulmay hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda, Zaman wuxuu sheegay in Hasina ay is casishay, ay ugu baaqday nabad oo ay sheegtay in “aan loo baahnayn” sharciga dagaalka haddii ay caadi ku soo noqoto qaranka Koonfurta Aasiya. Waxa uu ballan qaaday in uu baari doono dhimashada dadkii mudaaharaadayay.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments