Sahan media Muqdisho: Gudoomiyaha Baarlamaanka UK Mudane Lindsay Hoyle waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay la kulanka Hon. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Xarunta Golaha Shacabka ee UK.
Mudane Madoobe ayaa sheegay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo uu tago UK, balse ay tahay markii ugu horreysay oo uu baarlamaanka UK booqdo guddoomiye Soomaaliyeed.
Intii uu socday kulankooda ayaa labada Guddoomiye waxa ay ka wada hadleen arrimaha Dimuqraadiyada, sidii Soomaaliya ay u dooran lahayd wakiillo degaan iyo Xildhibaanno cod toos ah, iyo booqashooyin ay Xildhibaannada isku dhaafsanayaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Baarlamaanka ku casuumay Sir Lindsay, taasoo qeyb ka ah diblumaasiyadda uu Guddoomiyuhu hoggaamiyo si loo sameeyo xiriir waara oo dhex mara dalalka iyo Baarlamaanka.
Iyadoo qeyb ka ah booqashadooda, Mudane Madoobe iyo wafdigiisa, ayaa su’aalo weydiinta Ra’iisul Wasaaraha UK ku daawaday xarunta Baarlamaanka, ka hor soo dhaweyntiisa oo loogu sameeyay Aqalka Guddoomiyaha Baarlamaanka.