Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxweynaha iyo Mucaaradka oo maanta dib u kulmay

Madaxweynaha iyo Mucaaradka oo maanta dib u kulmay

Sahan Media Muqdisho: Waxaa maanta oo Axad ah markale ku kulmay Muqdisho madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Mucaaradka ee ku midoobay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa ujeedkiisu yahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhageysto tabashada xubnaha Mucaaradka ah, waxaana kulankaani maanta dhacay horay ugu balameen labada dhinac wareegii labaad ee wada hadalladooda ee soo dhacay 3-dii bishaan Luulyo.

Xubnaha Madasha Mucaaradka ah ayaa waxaa hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed, waxaana wehlinaya Raysal wasaarayaashii hore, guddoomiyaashii, madax kale iyo siyaasiyiin caan ah.

Shirka maanta dhexmaray madaxda Mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu lafa guray doodaha la xiriira dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Lama oga natiijada kasoo bixi karta shirkaan oo ah mid si weyn indhaha ugu wada hayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments