Sahan Media Muqdisho: Magaalada Dooxa waxaa maanta ka furmay shirka Kooxda Xiriirka Islaamka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa martigelinaya Dowladda Qatar.
Kulanka diyaarinta ah ee loo qabtay shaqaalaha sare ayaa waxaa hogaaminayay Kaaliyaha Agaasimaha Waaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mohammed Ahmed Al Hammadi.
Intii uu socday kulanka, Al Hammadi waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa caqabadaha ka jira dalka, lagana shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa habraaca wadajirka ah ee Soomaaliya iyadoo la kaashanayo bahwadaagta iyo dhinacyada ay khuseyso.
Wuxuu xaqiijiyay Dowladda Qatar in ay aaminsan tahay in xal waara iyo xaqiijinta dhameystirka mashaariicda horumarineed ay meesha ka saari doonto baahida kaalmada shisheeye iyo in la abuuro kaabayaal dhaqaale oo dowladda u sahlaya in ay gaarto himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee ku aaddan horumarka iyo barwaaqada.