Google search engine
HomeWararka Maanta7 Tahriibayaal ah ayaa gaajo iyo haraad ugu dhintay doon ku sii...

7 Tahriibayaal ah ayaa gaajo iyo haraad ugu dhintay doon ku sii jeeday Yemen

Sahan Media Muqdisho: Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa Arbacadii sheegtay in tahriibayaal Itoobiyaan ah ay u dhinteen gaajo iyo harraad kaddib markii doonidii ay la socdeen ay ciladowday xilli ay ka soo ambabaxeen Soomaaliya kuna sii jeeday Yemen.

War qoraal ah oo ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in kooxaheeda ku sugan Yemen ay siiyeen “caawin naf-badbaadin ah oo ay siiyeen dadkii ka badbaaday safar xun oo todoba maalmood qaatay oo ka yimid Boosaaso, Soomaaliya.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in dooni siday 250 tahriibayaal Ethiopian ah oo ay ku jiraan 82 caruur ah ay soo gaadhay deegaanka Arqah ee koonfurta Yemen Talaadadii.

“Toddobo ka mid ah muhaajiriinta waxay u dhinteen gaajo iyo harraad,” ayay tiri.

“Dadkani waxay soo mareen toddobaad cadaab ah oo ay ku jireen badda sare,” ayuu yiri Abdusattor Esoev, madaxa howlgalka IOM ee Yemen.”

Tan iyo bilowgii 2025, IOM waxa ay diiwaangelisay in ka badan 350 muhaajiriin ah oo ku dhintay iyo kuwa la la’yahay inta ay marayaan Jidka Bari, inkastoo tirada dhabta ah la rumeysan yahay in ay aad uga badan tahay.

Yemen ayaa ah meel ay ku badan yihiin boqollaal tahriibayaal sharci-darro ah oo ka imaanaya Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo safarkan halista ah ku gala rajo ah in ay gaaraan dalalka Khaliijka si ay u helaan xaalad nolol dhaanta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments