Sahan Media Muqdisho: Wararka ka imaanaaya magaalada Baladxaawo ayaa sheegaya in saakay aroornimadii hore uu markale dagaal xoogan ka dhex qarxay ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Dagaalka oo ah mid aad u xooggan ayaa la sheegay inuu wali si toos ah uga socdo Tuulo Aamin oo ka mid ah tuulooyinka hoostagta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar qorsheysan ku qaadeen ciidanka Jubbaland oo maalmahii lasoo dhaafay isku aruursanaayay Tuulada Aamin oo dhacda dhanka xaduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.
Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in labada dhinac ay isu adeegsayaan hub culus iyo mid fudud, waxaana meelo fogfog laga maqlaya jugta hubka culus ee dhinacyadu isku adeegsanayaan.
Si rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda tuulada Aamin loo shaacin, mana jirto wax war ah oo kaoso baxay dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo ee dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.