Google search engine
HomeWararka MaantaFashilka shirkii mucaaradka iyo dowladda kadib mucaaradka maxaa la gudboon?

Fashilka shirkii mucaaradka iyo dowladda kadib mucaaradka maxaa la gudboon?

Sahan Media Muqdisho: Fashilka shirkii u dhexeeyey Madaxweyne Xasan iyo mucaaradka ah ayaa fashil ku soo dhammaaday kadib markii laysku mari waayey qodobada doorashada.

Warar hoose ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh diiday ka tanaasulidda qaar kamid ah qodobada kujira nuqullada dastuurka kumeel gaarka ee waxka bedelka lagu sameeyey oo mucaaradku dalbadeen.

Madaxweynaha ayaa ogolaaday in laga laabto qodobka ah in madaxweynaha ay doortaan shacabku haseyeeshee wuxuu ku adkaystay inuusan ka laaban qabashada doorashada golayaasha deegaanka iyo barlamaanka.

Xubno katirsan mucaaradka ayaa sheegay in Madaxweynuhu doonayo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn, deegaano aan matalaad lahayn iyo xildhibaano la boobo oo ka shaqeeya dib u doorashadiisa, laakin shir gaara oo ay caawa mucaaradka ku yeesheen guriga Sheekh Shariif ayay isku fahmi waayeen nooca war saxaafadeed ee ay ka soo saari lahaayeen fashilka ku yimid wadahadallada Dowladda iyo mucaaradka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments