Sahan Media Muqdisho: Isqabqabsi iyo kala shaki muddo badan kadib golaha Samata-bixinta ayaa soo saaray war-saxaafadeed arrimo dhowr ah taabanayay.
War-murtiyeedka ay soo saareen waxey ku adkeeyeen in Puntland iyo Jubbaland laga qeyb geliyo wada hadalada Qaran.
Qoraalkooda waxey ku xuseen in muhiimaddu tahay in la gaaro heshiis buuxa oo ku saabsan doorasho qof iyo cod ah, daah furan, oo lagu heshiiyo, isla-markaana loogu gogol xaaro nidaamka Qof iyo Cod, kuna saleysan Dastuurkii 2012.

