Google search engine
HomeWararka MaantaGoormey bilaabanayaan doorashooyinka dowladaha hoose?

Goormey bilaabanayaan doorashooyinka dowladaha hoose?

Sahan Media Muqdisho: Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah loo soo afjaray diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir taas oo loogu diyaarinayo doorashooyinka dowladaha hoose, Guddoomiyaha guddigan Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in ku dhawaad hal milyan oo qof ay iska diiwaangeliyeen gobolka.

Waxaa sidoo kale guddigan ayaa xaqiijiyay in doorashooyinka dowladaha hoose ee degmooyinka gobolka Banaadir la qaban doono bisha Oktoobar, Tani waxay muujinaysaa in dowladda federaalka ay si dhab ah ugu hawlan tahay hirgelinta nidaamkan oo la kulmaya diidmo xoogan.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo ay waheliyaan mucaaradka ayaa si cad uga soo horjeestay nidaamkan iyagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu nidaamkan u adeegsanaayo sidii uu usii joogi lahaa xilka, iyagoo ku tilmaamay nidaamka doorashada mid aan lagu heshiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments