Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay difaac xooggan si ay uga hortagto weerarro badan oo uu tilmaamay inay kaga imaanayaan dhinacyo kala duwan.
Madaxweyne Deni ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad adag oo ay isku dhex milmeen sida uu sheegay dowladnimo iyo qabyaaladda, isagoo carrabka ku adkeeyay in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta iyo xoojinta dowladnimadeeda.
27 sano kaddib, Puntland markay aragtay duruufaha dalka ka jira iyo caqabadaha lagu aas-aasay markii hore oo aan weli si dhab ah looga gudbin, waxaa lagama maarmaan ah in siyaasadda guud ee dowladda Puntland ay noqoto mid kor u qaadda hay’adaheeda dowladnimo, si ay uga gudbaan marxaladihii hore una gaaraan heer ka fog oo ka habboon. Waxaan rabnaa in maamulkii la dhisay 1998 uu noqdo maamul dhidibo adag ku taagan oo aan dib dambe u liicin,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ka jeediyay xaflad lagu soo xirayay tababar loo qabtay 500 oo dhalinyaro ah oo jaamacadaha ka soo baxay oo ku biiray ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo qaatay tababar 7 bilood ah.


