Google search engine
HomeWararka MaantaIn ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka...

In ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: In ka badan 100 ka mid ah Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay sameeyeen militariga Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada amniga.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada Danab ee loo yaqaano (Guutada Iftiinka) oo ay ku lug lahaayeen duqeymo dhanka cirka ah ayaa waxa uu ka dhacay deegaano ku dhow degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo magaciisa qariyay.

dagaalka wuxuu bilaabmay habeenimadii Axadda wuxuuna socday ilaa saacadihii hore ee Isniinta.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sidoo kale ka warbixisay howlgalkaasi, waxaana ay sheegtay in lagu burburiyay godad dhulka hoostiisa laga qoday.

Tan iyo bishii Luulyo ciidamada Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgallada kala duwan ee ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo xulafada maxalliga ah ee ka dhanka ah al-Shabaab “waxaa laga gaaray horumar la taaban karo,” Wasiirka Warfaafinta Daud Aweis ayaa hadal kooban ku sheegay Axaddii.

Wuxuu intaas ku daray in in ka badan 150 argagixiso la dilay, dhowr magaalana laga xoreeyay, halka argagixisa badana nolol lagu qabtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay ciribtirka Argagixisada, isagoo aan faah faahin ka bixin xilliga iyo goobta lagu dilay argagixisada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments