Sahan Media Muqdisho: Saddexdii madaxweyne ee hore ee dalka, Cabdqaasim Salaad Xasan, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray warsaxaafadeed wadajir ah oo ay kaga hadlayeen arrimaha ku takrifalka dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay tacsi loo dirayo qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay dhacdooyinka la xiriira dhulka danta guud.
Madaxweynayaashii hore waxay si gaar ah u tilmaameen qodobbo dhowr ah oo ka tirsan Dastuurka KMG ah iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud, kuwaas oo qeexaya in dhulka danta guud loo isticmaalo si waafaqsan sharciga, lagana fogaado iibinta ama xadgud lagu sameeyo.
Warsaxaafadeedka ku wajahnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u qornaa sidan:



