Google search engine
HomeMadaxweyne Xasan Sheekh oo furay dhismaha cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Array

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay dhismaha cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sahan Media Muqdisho: Dhismahan casriga ah oo loo dhisay si loo xoojiyo shaqada sharci-dejinta maamulka Galmudug ayaa qeyb ka ah mashaariic ballaaran oo lagu horumarinayo maamulka, wanaajinta adeegyada bulshada, iyo kobcinta hay’adaha dowliga ah ee heer gobol.

Marka laga soo tago furitaanka dhismaha baarlamaanka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dhagax dhigay mashaariic kale oo muhiim ah kuwaasoo dhawaan la dhammeeyay ama qorshuhu yahay in laga hirgeliyo deegaanada Galmudug.

Mashaariicdan ayaa diiradda saaraya horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kor u qaadidda adeegyada bulshada, iyo tayeynta hay’adaha dowliga ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa dhawaan sheegay in gobolka uu si weyn uga faa’iideystay mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo tan Galmudug, isagoo tilmaamay in mashaariicdaasi ay muujinayaan wada shaqeynta sii xoogeysaneysa ee ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Federaalka ayaa kulamo heer sare ah la qaatay madaxda Galmudug, kuwaasoo diiradda lagu saaray dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. 

Wadahadallada ayaa xooga lagu saaray sidii loo xoreyn lahaa deegaanada weli ay kooxdaasi kaga sugan tahay gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Furitaanka dhismaha Baarlamaanka Galmudug ayaa astaan u ah horumarka geeddi-socodka federaaleynta Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalka ay sii waddo dadaallada lagu maalgelinayo hay’adaha dowlad goboleedyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments