Google search engine
HomeWararka MaantaBoobka dhulka Jaamacadda waa sharci darro

Boobka dhulka Jaamacadda waa sharci darro

Sahan Media Muqdisho: Warsaxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed garabka uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa si adag  looga hadlay dhul boob ay sheegeen inuu ka socda xaruntii Kuliyadda Tababarka Abaanduulka ciidanka ee Axmed Gurey ee dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha xaruntii Jiifka Ardayda iyo Kulliyadda Caafimaadka.

Madasha Samatabixinta ayaa tilmaamtay in arintan ay tahay mid lid ku ah dowladnimada, amniga, mustaqbalka Waxbarashada dalka, iyadoona sidoo kale qoraalka Madasha lagu xusay in ciidamada iyo tacliintu yihiin aasaaska dawladnimada.

Warsaxafadeedka Madasha ayaa sido kale  lagu sheegay dowladda Fedaraalka ay dayacday masuuliyadda ka saaran ilaalinta hantida guud, islamarkaana ay ogolaatay in lagu xad gudbo dhulkii shacabka iyo xarumihii tababarka iyo caafimaadka.

“Sida ku cad qoraalka Madasha, dhul boobkan wuxuu si toos ah u khilaafsan yahay qodobada Dastuurka iyo Xeer Lr. 18 ee soo baxay 29-kii Janaayo 1976, kaas oo ilaalinaya hantida qaranka. Madasha ayaa waxay sheegtay in falalkan ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo sharciyadda dowladnimada” ayaa lagu soo gabagabeeyay Warsaxafadeedka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. 

Qoraalka kaso baxay Madasha ayaa digniin loogu diray Madaxda dowladda Fedaraalka iyo ganacsatada lugta ku leh boobka, dhulka, iyagoona ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo, loona soo celiyo dhulka shacabka iyo xarumaha waxbarashada.

Waxaa sidoo kale Madasha Samatabixinta ay sheegeen iney si weyn uga xun yihiin in ciidamada qaranka loo adeegsado boobka iyo barakicinta shacabka Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments