Sahan Media Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federlka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aallo la xiriirra waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda Dan-Qaran saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa soo bandhigay guulaha waaweyn ee ay xaqiijisay Xukuumadda Dan-Qaran ee dhinacyada amniga, siyaasadda dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, horumarinta adeegyada bulshada, xiriirka caalamiga ah, doorashooyinka, xiriirka dowlad-goboleedyada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka ayaa hadana si gaara loo waydiiyay in doorashooyinka soo socda ee Madaxweynanimada uu is sharrixi doono iyo inkale?
Anigu madaxweynihii i magacaabay islama sharaxayo. Dadka oo dhan waan u sheegaa, wayna iska caddahay taas. Haddii uusan isagu is sharixin waan eegidoonaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse oo caawa ka qeyb galayay barnaamij su’aalo lagu weydiinayay, xilli ay saddex sano ka soo wareegtay markii xilka loo magacaabay.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay saaxiibo ahaayeen muddo ka badan 20 sano, islamarkaana aysan ahayn kuwo kaliya ku kulmay siyaasadda iyo magacaabiddiisa. Wuxuu sheegay in wada-shaqeyntooda saddexda sano ee la soo dhaafay ay ku dhisnayd is-ixtiraam iyo kalsooni.
Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay inuu xafiiska u yimid si uu shacabka ugu adeego, isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo khilaaf ah oo curyaamin kara horumarka dalka.
Xamse Cabdi Barre oo wax laga waydiiyey khilaafka Puntland iyo Jubbaland kala dhexeeya DFS & sida ay u maqan yihiin deegaanada uu saami qaybsiga Soomaalida ka soo jeedo ayaa sheegay inuusan kursiga ugu fadhin labadaasi maamul haseyeeshee uu ku matalo Soomaali oo dhan sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kalena, RW Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Puntland ay ka horrayso Soomaaliya inteeda kale isla markaana ay muhiim tahay in arrimaha doorashooyinka lagala hadlo marka la soo gaarsiiyo Koonfurta dalka sida uu hadalka u dhigay.