Google search engine
HomeWararka Maanta13 qof ayaa ka badbaaday dooni degtay oo ay saarnaayeen 74 qaxooti...

13 qof ayaa ka badbaaday dooni degtay oo ay saarnaayeen 74 qaxooti ah oo ka baxday Liibiya

Sahan Media Muqdisho: Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee Libya ayaa sheegtay in 13 qof oo kaliya ay ka badbaadeen dooni ay la socdeen 74 qof oo u badan Qaxooti Suudaani ah, kaasi oo Talaadadii kula dagtay xeebta magaalada Tobruk ee bariga Liibiya.

Dad badan ayaa weli maqan, ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay baraha bulshada Arbacadii.

Talaadadii, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegay in ugu yaraan 50 qof ay dhinteen ka dib markii uu dab qabsaday. Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay gargaar caafimaad u fidisay 24 qof oo badbaaday.

“Sababtoo ah waddooyin ammaan ah oo sharci ah waxaa heli kara tiro aad u yar oo dad ah, xalka dhabta ah waa in la soo afjaro dagaalka Suudaan si qoysasku ay ugu laabtaan guryahoodii iyagoo nabdoon oo aysan u qaadin safarradan halista ah,” ayay tiri UNHCR.

Dagaalka Suudaan ka socda ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogaga hubaysan ayaa in ka badan 140,000 oo qaxooti ah ku riixay Liibiya labadii sano ee la soo dhaafay, taas oo ku dhow laba jibaar tirada qaxootiga Suudaan ee ku sugan dalkaas.

Masiibadan ayaa ahayd tii ugu dambeysay ee soo gaarta qaxootiga iyo muhaajiriinta ka soo gudbaya badda Mediterranean-ka ee halista badan ee Afrika uga sii gudbaya Yurub.

Liibiya, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​867,055 muhaajiriin ah, ayaa u soo baxday marin ay u maraan muhaajiriinta ama qaxootiga isku dayaya inay gaaraan Yurub tan iyo markii la riday hoggaamiyihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

Tan iyo markii la afgambiyay dalka Liibiya, waxa ay la daalaa dhacaysay sidii ay u samaysan lahayd dawlad adag, ka dib sannado badan oo kalitalisnimo ah. Dalku wuxuu hadda u kala qaybsan yahay laba dawladood oo iska soo horjeeda, iyadoo malleeshiyaadka iska soo horjeeda ay marar badan isku dhacaan waddanka qaniga ku ah saliidda.

Kooxaha xuquuqul insaanka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa diiwaangeliyay tacaddiyada joogtada ah ee ka dhanka ah qaxootiga iyo muhaajiriinta ku sugan Liibiya, oo ay ku jiraan jirdil, kufsi iyo baad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments