Google search engine
HomeWararka MaantaMaxay isku hayaan Ilhaan Cumar iyo Trumph?

Maxay isku hayaan Ilhaan Cumar iyo Trumph?

Sahan Media Muqdisho: Xildhibaanadda Soomaalida ah ee Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareykanka iyo Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale u muuqda in ay goradda isla geleen, kaddib hadallo kulul oo uu Trump warbaahinta u mariyay saacadihii la soo dhaafay. sababta oo ah xisbiga Jamhuuriga ah oo uu Trumph ka mid yahay ayaa Congreska Mareykanka usoo bandhigay mooshin ah in Ilhaan Cumar laga xayuubiyo jagooyinka ay ka hayso golayaasha hoos yimaada Baarlamaanka Mareykanka.

 Xildhibaan Mace qoraal ay ku soo qortay barteeda X, ayaa ujeedkeedu ahaa “in la canaanto Ilhaan Cumar oo xubinimada Baarlamaanka Minnesota laga saaro Guddiyada Waxbarashada, Shaqaalaha iyo Guddiga Miisaaniyadda ee Congreska”. Mooshinkaas oo lagu guul-darreystay in la meelmariyo.

Qoraal oo uu soo dhigay bartiisa Truth Social ayaa Mr. Trump waxa uu Ilhaan Cumar ku tilmaamay “gabadh ka soo jeedda dal sabool ah oo colaado ragaadiyeen islamarkaana isku dayaysa in Maraykanka ay barto sida wax loo maamulo”.

“Dalka Ilhaan Cumar ka soo jeeddo ee Soomaaliya, wuxuu la daalaa dhacayaa dawlad-dhexe oo daciif ah, saboolnimo joogto ah, gaajo, argagixiso mar kale soo kacaysa, budhcad-badeed, tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah, musuqmaasuq, iyo rabshado baahsan. Boqolkiiba 70 shacabku waxay ku nool yihiin saboolnimo aad u daran waxayna wajahayaan amni-darro iyo cunto yaraan baahsan.”

Waxa uu ku eedeeyay in Ilhaan Cumar ay guursatay walaalkeed si ay u hesho muwaadinnamada Maraykanka. Waxa kale tilmaamay in ay dalka Maraykanka ay u yeerinayso waxa ay tahay in la sameeyo iyo sida loo samaysanayo.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu Trump weerar afka ah ku qaado Soomaaliya. Dhawaan ayuu ku tilmaamay meel dowlad la’aan ah oo aan waxba ka jirin, halka sannado ka horna uu sheegay in Soomaaliya tahay meel qasan oo aan lahayn maamul iyo kala dambayn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments