Google search engine
HomeWararka MaantaTurkiga iyo Masar oo muddo 13 sano ah kadib sameyn doona dhoolatuska...

Turkiga iyo Masar oo muddo 13 sano ah kadib sameyn doona dhoolatuska ciidamada Badda

Sahan Media Muqdisho: Dowladaha Turkiga iyo Masar ayaa markii ugu horreysay muddo 13-sano ah kadib sameyn doona dhoola-tus ciidan oo dhanka badda ah, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Turkiga Khamiista, iyadoo xiriirka labada dowladood ee gobolka uu sii wanaagsanaanayo.

Dhoolatuskan oo loogu magac daray Badweynta Saaxiibtinimada – ayaa ka dhici doona bariga Mediterraneanka inta u dhaxaysa Sebtember 22-26. Waxaa ka mid noqon doona maraakiibta Turkiga, maraakiibta degdega u weerara, kuwa badda quusa iyo diyaaradaha F-16, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan ciidamada badda Masar, ayay wasaaraddu sheegtay.

Taliyeyaasha ugu sarreeya ee labada ciidan ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan kormeer heer sare ah oo ku beegan Sebtember 25, ayay raacisay, iyada oo hoosta ka xariiqaysa muhiimadda uu leeyahay dhoollatuskan.

Xidhiidhka u dhexeeya Masar iyo Turkiga – oo muddo dheer taageersanaa kooxda Ikhwaanul Muslimiinka – ayaa xumaaday toban sano ka hor ka dib afgambigii militariga Masar ee 2023-kii ee xukunka looga tuuray Madaxweyne Maxamed Mursi, oo ka soo jeeday Ikhwaanka, intii lagu jiray mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo xukunkiisa.

Xiriirka u dhexeeya Ankara iyo Qaahira ayaa sidoo kale ahaa mid cakiran oo ku saabsan siyaasadahooda kala duwan ee Liibiya iyo bariga Mediterranean-ka.

Labada dal ayaa ku heshiiyay in dib loo hagaajiyo xiriirka iyo magacaabista safiirada sanadka 2023-ka, waxaana tan iyo xilligaasi jiray booqashooyin dhowr ah oo dhexmaray madaxda Turkiga iyo Masar.

Labada dal ayaa sidoo kale mowqif adag ka qaatay howlgallada militari ee Israa’iil ay ka waddo Qaza, iyaga oo ka wada shaqeynaya xabbad joojin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments