Sahan Media Muqdisho: Xildhibaanka xisbiga Waddaniga ah ee Albert Buttigieg ayaa cambaareeyay masaafurinta saddex qof oo Itoobiyaan ah oo nolol ka dhisay Malta ka dib markii ay jasiiraddaas ku noolaayeen 15 ilaa 18 sano.
Intii lagu guda jiray suaalaha baarlamaanka, Buttigieg wuxuu sheegay in xubnaha baarlamaanku ay u dhaqmaan sidii kuwa aan cod lahayn,.”
Wuxuu ku dhaleeceeyay dowladda inay dhiseyso qaabkeeda dhaqaale ee soo dejinta shaqaalaha ajnabiga ah oo ay ula dhaqanto sida “addoomaha”, iyadoo la tarxiilayo magangalyo-doonka, xitaa kuwa sharciga u hoggaansan, iyo muwaadiniinta canshuuraha bixiya.
Wuxuu soo qaaday kiiska saddex nin oo Itoobiyaan ah oo lagu kala magacaabo Cabdi, Yuusuf iyo Kondienah, kuwaasoo muddo labaatan sano ku dhow ku noolaa Malta, balse dhawaan laga musaafuriyay.
Intii ay degganaayeen Malta, waxay “ku biireen bulshada, waxay bixiyeen canshuur, qoysas yeeshay, waxaa lagu ammaanay inay ahaayeen shaqaale adag, weligoodna sharciga ma jabin.”
“Dowladdu waxay samaysay dhoola-tus si ay u qanciso kuwa u arkayay inay culeys ku yihiin Malta,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in si fudud loo beegsanayo.
Marka laga reebo saddexda Itoobiyaan, waxa uu sidoo kale xusay Angoua Abdu, oo laga sii daayay xabsiga Ħal Safi ka dib markii ay dhaqdhaqaaqa xuquuqda khaniisiinta Malta (MGRM) ay mudaaharaad dhigeen intii ay socotay munaasabad dowladeed. Abdu ayaa la dhigay xabsiga ka dib markii la diiday codsigiisa magangalyada wuxuuna hadda racfaan ka qaadanayaa go’aanka.Buttigieg ayaa amaanay go’aanka lagu sii daayay
Waxa uu ku eedeeyay dowladda in ay dabaqday “laba miisaan iyo laba cabbir,” isagoo xusay in ajaanibta lagu qabto iibinta daroogada aan la tarxiilin, halka saddex qof oo sharciga u hoggaansamaya la tarxiilay.
Ugu dambayntii waxa uu ka codsaday dawladda in ay dib u eegis ku samayso oo ay wax ka bedesho siyaasaddeeda, iyada oo ay gacan ka siinayso NGO-yada ka shaqeeya arrimahan.