Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa mar kale ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro labada dowladood, iyadoo la filayo inuu kaga dhawaaqo shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka inuu aqoonsan yahay dalka Falastiin.
“Faransiiska waxa uu doonayaa waa laba dawladood oo nabad ku wada nool oo is barbar socda: Dawlad Israa’iil oo aqoonsan dawlad Falastiin ah, dawladda Falastiin oo aqoonsan dawlad Israa’iil ah,” Macron ayaa ku yidhi muuqaal uu Axaddii sii daayay shirkadda warbaahinta bulshada ee X.
Waxa uu tilmaamay “xanuunka,” “silica,” iyo “dhibaatada” dhammaan dadka ku nool Gaza iyo kuwa ku hoos nool “bambooyinka iyada oo aan helin gargaarka bini’aadanimo.”
Dhammaan noloshu waa siman tahay Falastiin iyo Israel. Waxa aan rabno, waxa Faransiisku doonayo, waa nabad,” ayuu yiri Macron.
Waxa uu dib u xaqiijiyay in aqoonsigooda dowlad Falastiin ay tahay “bilawga dariiqa nabadda,” isaga oo xasuusinaya jiritaanka shuruudaha dhinacyada ku lugta leh.
Axadii, wareysi uu siiyay CBS News, Macron wuxuu sheegay in sii deynta la haystayaasha Israa’iil ay tahay “shardi cad” ka hor inta aysan safaarad ka furin Falastiin.
Waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa ku aaddan gunaanadkii dhawaan ay baarayaasha Qaramada Midoobay ku sheegeen in Israa’iil ay xasuuq ka geysanayso Gaza.
Axadii, UK, Canada, Australia, iyo Portugal ayaa ku dhawaaqay aqoonsiga Falastiin, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee tallaabadan qaaday 153 ka mid ah 193-kii.
Kow iyo toban waddan oo kale – oo ay ku jiraan Malta, Luxembourg, France, Belgium, iyo Armenia — ayaa ku dhawaaqay qorshayaal lagu kordhinayo aqoonsiga inta lagu jiro kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee bishan ka dhacaya New York, halkaas oo hoggaamiyeyaasha dunidu ay ku kulmi doonaan Golaha Guud.