Google search engine
HomeWararka MaantaSheekh Shariif oo ka digay Doorasho aan heshiis lagu ahayn

Sheekh Shariif oo ka digay Doorasho aan heshiis lagu ahayn

Sahan Media Muqdisho: Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shirweyne ballaaran oo ay kaga hadleen arrimaha siyaasadda dalka iyagoo ku baaqay in waqtigeeda lagu qabto doorashada madaxtinimada. Shirkan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in badbaadada dalka ay ku jirto qabashada doorasho heshiis lagu yahay oo afartii sanaba mar dhacda.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in dowladnimada Soomaaliya ku dhisan tahay wadatashi iyo is-dhageysi, balse arrintaasi ayaa meesha ka baxday kadib markii la sameeyey isbedel lagu sameeyey dastuurka Dalka. Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in xaaladda siyaasadeed ee dalka u baahan tahay talo-wadaag, si looga fogaado khilaaf iyo qalalaase cusub oo siyaasadeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliilay qaabka dowladda u maareysay hanaanka dastuurka iyo qorshaha doorashada, isagoo sheegay in khilaafka siyaasadeed ee taagan uu si weyn u wiiqayo wadajirka iyo dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray in mucaaradka ay weli ku baaqayaan wadatashi iyo in la helo hannaan doorasho oo la isla oggol yahay, halkii lagu sii socon lahaa nidaam muran badan dhaliyey.

Waxaa la ogyahay in maamulada Puntland iyo Jubbaland ay si cad uga hor yimaadeen nidaamka doorashada qof iyo cod ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Labadan maamul ayaa ku sababeeyay diidmadaasi khilaafkii ka dhashay wax ka bedelkii dastuurka KMG ah, oo dowladda federaalka ay bedeshay afar qodob oo muhiim u ahaa nidaamka doorashooyinka iyo awood qeybsiga madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo hanaanka ku imaanayaan xildhibaanada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si caadi ah u wadata qorshayaasheeda doorashada qof iyo cod, iyadoo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka waddo diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Hore ayaa loo diiwaangeliyey codbixiyeyaasha gobolka Banaadir, waxaana dowladda federaalka ay ku adkeysanaysaa in qorshahan uu yahay mid dalka u horseedi kara doorasho toos ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments