Google search engine
HomeWararka MaantaSaddex waddan oo galbeedka Afrika ah ayaa ka baxay maxkamadda sare ee...

Saddex waddan oo galbeedka Afrika ah ayaa ka baxay maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay

Sahan Media Muqdisho: Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa ku dhawaaqay inay si degdeg ah uga baxayaan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC), iyagoo ku tilmaamay in maxkamadu tahay “qalabka cadaadiska cusub ee gumeysiga”.

Saddexda dal ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah, iyagoo sheegay in aanay aqoonsan doonin awoodda maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay magaalada Hague.

“ICC-da waxa ay is tustay in aanay awood u lahayn in ay wax ka qabato oo ay xukunto dambiyada dagaal ee la caddeeyey, dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada, dembiyada xasuuqa, iyo dembiyada gardarrada,” ayay saddexda hoggaamiye sheegeen.

Maxkamaddu ayaan weli wax jawaab ah ka bixin go’aanka saddexdan dal oo dhammaantood xiriir dhow la leh Ruushka oo hoggaamiyahooda Vladimir Putin loo jaray waaran lagu soo xirayo ICC.

Saddexda wadan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dejiyaan “habab wadani ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo caddaaladda”.

Waxay ku eedeeyeen ICC-da inay beegsato dalalka aan mudnaanta lahayn, iyagoo ku celceliyay dhaleeceyn ka timid madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo horay ugu eedeeyay ICC-da inay hayso eex ka dhan ah Afrika.

ICC waxaa la aasaasay 2002 si ay si sharci ah ugu daba gasho kiisaska xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah aadanaha, dembiyada dagaalka iyo gardarrada.

33 ka mid ah kiisaska la bilaabay tan iyo markii la aasaasay, dhammaan marka laga reebo hal waddan ayaa ku lug lahaa waddan Afrikaan ah.

Ka bixitaanka waddamadan ee maxkamada ICC ayaa si rasmi ah u dhaqan galaysa hal sano kadib marka Qaramada Midoobay la ogeysiiyo.

Ciidamadooda ayaa la kulmay eedeymo ku saabsan dambiyo ka dhan ah dadka rayidka ah, iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha ka socda gobolka ee ka dhanka ah kooxaha jihaad doonka ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo dowladda Islaamiga ah.

Tallaabo kale oo la isku dubariday horraantii sannadkan, dhammaan saddexda waddan waxay si isku mid ah uga baxeen urur-goboleedka, Bulshada Dhaqaalaha Galbeedka Afrika (Ecowas).

Waxay diideen codsiyadii Ecowas ee ahaa inay soo celiyaan xukunkii dimuqraadiga ahaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments