Google search engine
HomeWararka MaantaSheekh Shariif: Anagoo dagaallami karna ayaan iska soo baxnay iyadoo xabadu nagu...

Sheekh Shariif: Anagoo dagaallami karna ayaan iska soo baxnay iyadoo xabadu nagu socoto

Sahan Media Muqdisho: Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho iyagoo ka hadlay israsaaseyntii ka dhacday degmada Warta Nabadda. Mucaaradka ayaa si toos ah dowladda federaalka ugu eedeeyey in ay masuul ka tahay dagaalka dhacay goobtaas isla markaana ay qorsheysay weerar ka dhan ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Shirka jaraa’idka waxaa ka soo muuqday mas’uuliyiin culus oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarayaal hore Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdi Faarax Shirdoon, iyadoo sidoo kale goobta ay joogeen siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa muujiyey walaac ballaaran oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku eedeeyey dowladda in weerarku ahaa shirqool lagu doonayey in lagu dilo madaxda mucaaradka. Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhaliilay dowladda in ay awoodda qaranka u adeegsanayso siyaasad iyo dhul boob isla markaana ciidamada ay dhibaataynayaan shacabka. Waxa uu sheegay in arrintaasi aysan u ogolaanayn dowladda.

Sheekh Shariif ayaa intaas ku daray in mucaaradka aanay qorsheyn dagaal balse ay iska difaacayeen dulmi uu sheegay in lagu qaaday. “Waxaa naloo sheegay in abaabul dagaal socdo, inagoo hub haysanna waan diidnay inaan dagaallano, balse dulmi marka uu yimaado qof iyo qabiil ayay noqonaysaa,” ayuu yiri madaxweynihii hore.

Ugu dambeyntiina mucaaradka ayaa ku dhawaaqay dibadbaxyo ballaaran oo ay qaban doonaan Sabtiga soo socda iyagoo shacabka ugu baaqay inay ka soo qayb galaan, kuwaas oo ka dhici doona saddex goobood oo muhiim ah magaalada Muqdisho.

Dhanka kale mucaaradka ayaa xaqiijiyey in israsaaseyntii maanta ay ku dhinteen laba ka mid ah ilaaladii Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Khayre, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments