Sahan Media Muqdisho: Saraakiil sarsare oo ka tirsan safaarada Maraykanka ayaa la kulmay madaxda isbahaysiga mucaaradka cusub ee Itoobiya – Isbahaysiga Midnimada Itoobiya.
Isbaheysigan ayaa si rasmi loo daah-furay Sabtidii lasoo dhaafay. Waxayna tani noqonaysaa markii ugu horaysay ee Isbahaysigu la yeesho bulshada diblumaasiyadeed ee Addis Ababa.
Kulanka ay safaarada la yeesheen ayaa ka dhacay xarunta xisbiga EPRP oo ka mid ah xubnaha isbahaysiga.
Abraham Getu, gudoomiyaha iyo Mistre Selassie Tamerat, xoghayaha, ayaa saraakiisha safaaradda Mareykanka uga warbixiyay arrimo badan oo hadda taagan iyo isbaheysiga.
Axsaabta isbaheysiga sameystay ayaa muddo dhowr sano ah iska kaashanayay howlahooda u doodista xuquuqda. Waxa ay sidoo kale ku dhawaaqeen in ay diyaar u yihiin la shaqaynta cid kasta oo siyaasadeed oo qabta in Itoobiya ay soo food saartay khatar jirta.
Isbahaysigu waxa uu si cad ula xiriirinayaa qalalaasaha dhaqaale ee haysta wadanka oo aan hore loo arag iyo siyaasadeedba.
Waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadeen in mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ay tahay u doodista maxaabiista siyaasadeed, waxaana ay ku baaqeen in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo.
Shanta xisbi siyaasadeed ee samaystay isbahaysiga ayaa kala ah Enat Party, Ethiopian People’s Revolutionary Party, All Ethiopian Unity Party, One Ethiopia Democratic Party, iyo Amhara Ghionawi Movement.
Isbaheysigan oo la sameeyay ka hor doorashada 7-aad ee dalka, ayaa si cad u sheegay in aysan ka qeyb qaadan doonin doorashooyin , haddii aysan jirin xaalad suurtagelin kara.
Xisbiga talada haya ee “xisbiga barwaaqada” oo u muuqda inuu helayo taageero dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin hay’adaha lacagta ee dhinacyada badan leh, ayaa beryahan dambe sii xoojinayay caburinta ka dhanka ah suxufiyiinta. Waxaa xusid mudan, daraasiin siyaasiyiin ah in ay xabsiyada ku jiraan.
Safaarada Maraykanka ayaan wax war ah kasoo saarin kulanka ay la yeesheen hogaamiyayaasha mucaaradka ee Isbaheysiga Ethiopia.