Sahan Media Muqdisho: Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ciidammada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay xireen saddex qof oo caan ah.
Xariggan ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Global ee magaalada Muqdisho, halkaas oo Cali Xaaji Iimaan uu deganaa, Saddexdan qof ayaa si weyn ugu dhawaa siyaasiyiinta mucaaradka, waxayna si fagaare ah uga cadeeyeen dhaliishooda sida dowladda u maareysey muranka dhulka ee Siinaay, oo maalmahan si weyn uga taagnaa gudaha caasimadda.
Masuuliyiintan ayaa kamid ahaa koox siyaasiyiin ah oo lagu rasaaseeyey gudaha Xarunta saldhiga booliska ee Degmada Wardhiigley, iyadoo ay muuqato in cadaadis xooggan lagu saarayo mucaaradka si loo hakiyo abaabulka mudaharaad ballaaran oo lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho maalinta Sabtida 27/09/2025.
Dowladda ayaa si cad uga soo horjeedda mudaharaadkaas, iyadoo ku doodaysa in uu yahay mid khatar ku ah amniga, Wararka qaar ayaa sheegaya in xarigga saddexdan ruux uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyey, iyadoo la tuhunsan yahay in uu yahay isku day lagu caburinayo aragtida mucaaradka.
Dadaallo siyaasadeed oo ay sameeyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horseeday in Dhammaan saddexdii qof ee la xiray la sii daayo goor dambe oo xalay ah, inkastoo ilaa iyo hadda aysan jirin wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku saabsan sababta xarigooda ka dambeeysay.
Abaabulayaasha mudaharaadka ayaa sheegay in qorshuhu siduu yahay uu u socon doono, iyagoo ugu baaqay shacabka iyo beesha caalamka inay indhaha ku hayaan xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda hadalka iyo kulankaba.