Google search engine
HomeWararka MaantaKhudbadda Xasan Sheekh ee Baarlamaanka maxay daarnayd?

Khudbadda Xasan Sheekh ee Baarlamaanka maxay daarnayd?

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa furitaanka kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ka sheegay in dowladdu ay dadaal ugu jirto xallinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhexjira maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Waxa uu sheegay inay ka go’antahay xal u helidda khilaafyada siyaasadeed ee jira, isagoo sheegay in khilaafka aan lagu xalin karin xoog iyo xabad, balse lagu xallin doono wada hadal iyo is afgarad.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa walaalaha ka gows qabsaday Golaha Wadatashiga Qaran (Puntland iyo Jubbaland) sidii aan u raadin laheyn, Maqaamka iyo mas’uuliyadda lagu kabay odaynimo ayaa na faraya inaan qof kasta wax tabanaya aan raadino waana ku sii soconeynaa,” ayuu madaxweynuhu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay dooratay inay khilaafka ku xalliso wadahadal, isagoo caddeeyay in dowladdu aysan rabin inay ku xalliso dagaal iyo xabad, “Waxaan dooranay in khilaafka aan ku xalino wada hadal iyo is afgarad,” ayuu raaciyay madaxweynuhu.

Dhanka kale isagoo ka hadlaaya Somaliland waxa uu yiri: Somaliland waxay ahayd qayb ka mid ah Soomaaliya oo uu gumaystay Ingiriisku, qaybta kalena Talyaanigu ayaa gumaystay. Waxaanu nahay isku qoomiyad, hal luuqad iyo hal diin ayaanu wadaagnaa. Kala duwanaanshaha kaliya waxa weeye iyaga Ingiriis ayaa gumaystay, anagana Talyaani, taasina ma aha kala duwanaansho,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu Somaliland ku eedeeyay inay ka faa’iidaysatay jilicsanaanta dowladda Soomaaliya, isla markaana ay sheegatay gooni-isu-taag, balse taasi uu sheegay inay dhammaan doonto, isaga oo xusay in midnimada Soomaaliya ay sharci ku dhisan tahay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay horumar weyn samaysay, isla markaana ay tahay goob nabad ah oo dimuqraadi ah. “Somaliland horumar weyn ayay samaysay taa ma dafiri karno. Waddanku guud ahaan waa nabad, ku dhaqanka dimuqraadiyaduna waxa uu marayaa heerarkii hore, mana xaasidno waxa fiican ee ay qabteen,” ayuu yidhi.

Dhanka kale, madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanay faragelin arrimaha horumarinta ee Somaliland, sida dhismaha dekedda Berbera, inkasta oo Baarlamaanka iyo dowladda Soomaaliya ay cod dheer ku diideen maalgelinta dekeddaas, iyada oo golayaasha sharci-dejintuna ay qaraar ku diideen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments