Sahan Media Muqdisho: Marka ay dhacaan abaaruhu, qurba-joogtu waxay u badan tahay inay kor u qaadaan caawinta, inkasta oo dad badan oo halkan jooga ay haysato dhibaatooyin dhaqaale oo ka sii badan sidii hore.
Asli Cumar Faarax waxay ka shaqeysaa nadaafadda agagaarka magaalada Seattle, si ay u taageerto xubnaha qoyskeeda ee ku nool Mareykanka iyo bulsho weynta qoyskeeda iyo saaxiibadeeda ku nool waddankeedii hore ee Soomaaliya, si la mid ah qaar badan oo ka mid ah 30,000-ka xubnood ee Soomaalida ah ee ku nool Seattle, Asli waxay timid Mareykanka ka dib markii ay ku dhawaad toban sano ku jirtay xero qaxooti oo ku taal Kenya.
Rubuc qarni ayaa laga joogaa markii ay Asli Faarax degtay Maraykanka, hase yeeshee qoyskeeda ay ka soo jeeddo Soomaaliya ayaa weli ku sii haya gurigeedii hore dhaqaala la aan darteed, iyada oo ay ku jirto dareen waajib ah in ay bixiso wixii taageero ah.
Waajibkaas oo ay dareemeen bulshooyin badan oo qurba-joog ah oo Afrikaan ah – ayaa ah halbowle nololeed oo muhiim u ah qoysaska Soomaaliya ku nool ee la daalaa dhacaya saameynta colaadaha, masiibooyinka cimilada ee soo noqnoqda, iyo dowlad jilicsan oo ku tiirsan gargaarka.
Qiyaastii 40% qoysaska Soomaaliyeed waxay helaan xawaaladaha, iyadoo dhaqaalahaas inta badan lagu daboolo kharashaadka maalinlaha ah, kharashka dugsiga, iyo xaaladaha degdegga ah. 2023 oo kaliya, Soomaalida dibadaha ku nool waxay dalka u soo direen $1.7 bilyan – in ka badan miisaaniyada dowladda Soomaaliya ee sanadkaas, iyo 1.1 bilyan oo dollar oo dhaqaalaha ay heleen hay’adaha gargaarka caalamiga ah.
Magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden ayay sidoo kale Muxubo Ismaaciil Salaad waxa ay ka cabatay in ay dareemeyso xaalad adag. Waxay ku nooshahay xaafada soo galootigu u badan tahay ee Rinkeby, xaafadeeda oo culayso badan leh ayaa qaar ka mid ah lah heerarka ugu sarreeya ee saboolnimada dalka.
Tan iyo markii ay timid 2003, waxay ka shaqeysay shaqooyin badan oo gacanta ah, laga soo bilaabo bakhaarrada ilaa nadaafadda – weli iyada oo isha ku haysa xawaaladaha waxay dareentaa inay waajib ku tahay inay dirto. “Waxaad ku qasban tahay inaad soo qaadato ama aad samayso saacado badan sababtoo ah, waxaa mar walba loo baahan yahay inaad taageerto qoyskaaga gudaha Soomaaliya jooga,” ayay tiri.
Saadaq Xersi Maxamuud, oo ah makaanik ku sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa fahamsan culeyska ay dareemayaan ehelada dibadda ah ee isku dayaya in ay joogteeya taageerada. Walaalkii waxa uu taksiile ahaan uga shaqeeyaa London, Maxamuud-na waxa uu og yahay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay in uu halkaa ku xannaaneeyo.