Sahan Media Muqdisho: Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacadii ansixiyay Axdiga Xuquuqul Insaanka iyo Daryeelka Carruurta Afrika kadib markii ay xildhibaannadu kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana soo xaadiray 145 Xildhibaan.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu sheegay in 130 xildhibaan ay ogolaadeen, 10 mudane ay diideen, shan xildhibaanna ay ka aamuseen.
Ansixinta ayaa guul muhiim ah u ah horumarinta ilaalinta sharciga ee carruurta Geeska Afrika oo dhan.
Soomaaliya waa dalkii 52-aad ee qaaradda ee ansixiya heshiiska xuquuqul insaanka ee gobolka. Marooko, South Sudan iyo Tunisia waa xubnaha kaliya ee Midowga Afrika ee aan ansixin.
Asal ahaan waxaa ansixiyay Ururka Midowga Afrika 1990-kii, Axdigu wuxuu ku waajibinayaa dowladaha xubnaha ka ah inay dhowraan oo ay horumariyaan xuquuqda carruurta, oo ay ku jirto ka ilaalinta xadgudubyada iyo hubinta helitaanka waxbarasho iyo daryeel caafimaad.