Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay masaajidka Madaxtooyada uga hadlay arrimo ay kamid tahay arrinta dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho, iyo nabadgalyada, isagoo si cad u sheegay in caasimaddu aysan sii ahaan karin magaalo qasan oo aan lahayn nidaam dhisme iyo amni.
Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in dowladdu ay go’aansatay in Muqdisho laga dhigo magaalo amni ah, nadiif ah, isla markaana leh bilic iyo jidad casri ah oo fududeynaya isu socodka shacabka. “Magaalada Muqdisho ooba siib ma sii ahaan karto, meel ay Shabaab ku dhuuntaan ma sii ahaan karto, meel aan jidad ahayn oo qof dhaawac ah aan laga qaadi karin ma sii ahaan karto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda dowladda federaalka ay tahay in Muqdisho noqoto magaalo ay ku nool yihiin muwaadiniin leh nolol amni iyo nabad, ayna dowladdu amar cad siisay maamulka hoose ee caasimadda inay ka howlgalaan dhaqan-gelinta siyaasaddaas.
Wuxuu intaa ku daray in qof kasta oo dhul uu sharci iyo dukumenti sax ah u hayo uu xaqiisa helay, islamarkaana arrintaas maxkamadaha dalku u xil-saaran yihiin.
Arrinta dhulalka danta guud ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe noqatay qodobada ugu waaweyn ee uu khilaafku ka taagan yahay, ayadoo xaafado badan dadkii deganaa laga saaray, islamarkaana la burburiyey oo la iibiyey, qaarna la sharciyeeyay.
Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka inay carqaladeynayaan amniga caasimadda, isaga oo xusay in dowladda Federaalka ay dadaal badan gelisay sidii dib loogu soo celin lahaa xasilloonida iyo kalsoonida shacabka ee magaalada Muqdisho.
Magaaladan amnigeeda waxaan uga shaqeynay si buuxda. Waxaa jirtay bil dhameystiran oo aan hal dhacdo oo amni darro ah laga soo sheegin. Sidaas darteed, ma aqbali doonno in qof walba uu magaalada ku dhex maro gaadiid dagaal,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu wuxuu si kulul u cambaareeyay falkii dhawaan ka dhacay saldhigga booliska ee Warta Nabadda, isaga oo sheegay in haddii aysan ciidamada dowladda muujin lahayn is-xakameyn, ay suurtogal ahaan lahayd in meesha ay ka dhacdo musiibo weyn.
Waxa uu ku eedeeyay mucaaradka in aysan tixgelin dhibaatooyinka ka dhalan kara isku dhaca ciidamada iyo saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto maxaabiista ku xiran saldhiggaas oo dambiyo kala duwan u xiran, ayna ku jiraan kuwa Shabaab ah iyo qaar loo haysto dambiyo kufsi ah.