Google search engine
HomeWararka MaantaShiinaha oo Bilowday Dhismaha Warshadda Sifaynta Batroolka Itoobiya oo ku kacaysa $2.5B

Shiinaha oo Bilowday Dhismaha Warshadda Sifaynta Batroolka Itoobiya oo ku kacaysa $2.5B

Sahan Media Muqdisho: Itoobiya ayaa xariga ka jartay warshadii ugu horaysay ee sifaysa batroolka oo ah mashruuc ay ku kacayso $2.5 bilyan oo dollar oo ay dawladu sheegtay in ay dhisayso shirkada Golden Concord Group Ltd.

Xaruntan ayaa waxaa loo dhisi doonaa labo weji, iyadoo la filayo in wejiga koowaad lagu soo gabagabeeyo 24 bilood gudahood.

Mashruucan oo ku yaal ismaamulka Somalida khaasatan Godey waxa uu ku darayaa warshad bacrimin ah oo gaareysa $2.5 bilyan oo ay dawladu leedahay ee Ethiopia Investment Holdings ay dhisayso iyada oo kaashanaysa Dangote Group.

Abiy ayaa daah furay wajiga koowaad ee mashruuca Gaaska Dabiiciga ah ee Ogadenia kaas oo soo saari doona sanadkiiba 111 milyan oo litir, waxaana la filayaa in waji labaad lagu kordhiyo 1.33 bilyan oo litir oo dheeri ah. Xaruntan ayaa ku biirin doonta 1,000 megawatt oo koronto ah, ayuu yidhi.

“Dhammaan mashruucyadii waaweynaa ee aan maanta ka daah-furnay deegaanka Soomaalida, oo si wadajir ah lagu qiimeeyay 10 bilyan oo doolar oo ay ku jiraan kaabayaasha dhaqaalaha, ayaa la soo geba-gebeyn doonaa,” ayuu yiri.

Warshadda sifaynta batroolka ee Goday ayaa qayb ka ah barnaamij maalgalineed oo dhan $30 bilyan oo lagu dhawaaqay bishii hore intii lagu jiray furitaanka mashruuca biyo xireenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya oo ku kacaya $4.8 bilyan. Barnaamijkan ayaa waxa ku jira garoon diyaaradeed oo ku kacaya 10 bilyan oo dollar iyo warshad tamarta Nukliyeerka ah oo ay samaynayo Ruushka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments