Sahan Media Muqdisho: Militariga Pakistan ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan hadalada “daandaansiga” ee hoggaanka Hindiya, iyagoo ka digaya in khilaafka soo socda ee u dhexeeya wadamada isku haya nukliyeerka uu horseedi karo “burbur masiibo ah.”
Hadalkan ayaa soo baxay maalin kadib markii taliyaha ciidamada Hindiya Gen. Upendra Dwivedi uu uga digay Islamabad in ciidamadu aysan is-xakameyn doonin waqtiga soo socda, isla markaana ay waajib ku tahay inay joojiyaan “taageeridda” argagixisada haddii ay doonayaan inay sii xajistaan booskooda khariidadda adduunka.
Horaantii, Wasiirka Difaaca Hindiya Rajnath Singh ayaa Khamiista sheegay in xumaan kasta oo Pakistan ay ka geysato waaxda Sir Creek ay la kulmi doonto jawaab “xoog leh oo go’aan leh” oo “beddeli karta taariikhda iyo juqraafiga.”
Sir Creek waa dhul lagu muransan yahay oo dhererkiisu yahay 96-km oo u dhexeeya Gujarat ee Hindiya iyo gobolka Sindh ee Pakistan.
“Waxaan si aad ah u ogaanay hadallada dhalanteedka, kicinta iyo jahliga ah ee ka imaanaya heerarka ugu sarreeya ee hay’adaha amniga Hindiya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay garabka milateriga Pakistan.
“Marka laga hadlayo hadallada aadka u kicinaya bulshada waxaan ka digeynaa in iskahorimaadka mustaqbalka uu horseedi karo burbur musiibo ah. Haddii ay dhacdo in wareeg cusub oo colaadeed uu dhaco, si adag ayaan uga jawaabi doonnaa, annagoon aanan is-xakameyn,” ayaa lagu daray bayaanka.
Dagaal socday afar maalmood oo dhex maray Hindiya iyo Pakistan bishan May ayaa ka dhashay weerarkii 22-kii Abriil ka dhacay goob loo dalxiis tago ee Pahalgam oo ku taal Kashmir ay Hindiya maamusho.
New Delhi waxay ku eedaysay weerarka Islamabad oo diiday mas’uuliyadda, waxayna ku baaqday baaritaan dhexdhexaad ah. Laakiin Hindiya waxay bilawday Operation Sindoor, oo ay ku beegsanayso goobaha Pakistan, ka dibna waxay kaga jawaabtay Operation Bunyanun Marsoos.
Kadib weeraro cirka ah oo la isweydaarsaday muddo afar maalmood ah, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin 10-kii May.