Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa Khamiistii dib u cusbooneysiiyay casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si uu uga qeyb galo saxiixa heshiiska xabad joojinta Gaza ee Falastiiniyiinta iyo Israel.
Intii lagu guda jiray kulan uu Qasriga Ittixaadiya kula yeeshay ergeyga Maraykanka ee Bariga Dhexe Steve Witkoff iyo la taliyaha sare Jared Kushner, Sisi “wuxuu soo dhaweeyay heshiiska xabbad joojinta ee Marinka Gaza iyo dadaalka adag ee madaxweyne Trump ee arrintan la xiriira,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada.
Sisi ayaa u sheegay wafdiga Mareykanka in Masar ay rajeyneyso inay saxiixdo heshiiska “sida ugu dhaqsaha badan,” isagoo ku nuux-nuux saday sida ay Qaahira uga go’an tahay sii wadida isuduwidda Mareykanka si loo fuliyo qorshaha Trump ee Gaza.
Sisi waxa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo “joojinta degdega ah ee colaadaha Gaza” iyada oo aan la sugin saxiixa rasmiga ah ee heshiiska.
Sisi ayaa sidoo kale ammaanay dadaallada dhexdhexaadinta ee Turkiga, Mareykanka, iyo Qatar ee taageeray doorka Masar ee wada-xaajoodka xabbad joojinta ee Sharm el-Sheikh ee u dhexeeya Israel iyo Hamas.
Waxa uu ballan qaaday in Masar ay sii wadi doonto la shaqaynta dhammaan dhinacyada “si daacadnimo iyo mas’uuliyad leh” si loo dhaqan geliyo xabbad joojinta, loo xaqiijiyo gelitaanka gargaar bini’aadanimo oo ku filan, iyo sidii loo sii dayn lahaa la haystayaasha iyo maxaabiista.
Witkoff iyo Kushner, ayaa dhankooda, ku celiyay qadarinta Mareykanka ee “doorka muhiimka ah” ee Masar ee gacan ka geysanaya joojinta dagaalka iyo soo celinta xasiloonida gobolka, ayaa lagu yiri bayaanka.
Witkoff iyo Kushner ayaa arbacadii gaaray magaalada Sharm el-Sheikh ee badda cas Masar si ay ugu biiraan wada xaajoodka xabad joojinta Gaza.
Heshiiska ayaa lagu dhawaaqay subaxnimadii Khamiista ka dib wadahadalo aan toos ahayn oo afar maalmood ah oo Hamas iyo Israel uga socday Sharma el-Sheikh, oo ay dhexdhexaadinayeen Turkiga, Masar, Qatar, iyo Mareykanka.
Wajiga labaad ee qorshahan ayaa ku baaqaya in Gaza laga dhiso hab cusub oo lagu maamulo iyada oo aan Xamaas ka qayb qaadanayn, in la sameeyo ciidamo ammaan ah oo ka kooban Falastiiniyiin iyo ciidamo ka socda dalalka Carabta iyo Islaamka, iyo hub ka dhigista Xamaas. Waxa kale oo ay qeexaysaa maalgelinta Carabta iyo Islaamka ee maamulka cusub iyo dib u dhiska Marinka, iyada oo ay xaddidan tahay ka qaybgalka maamulka Falastiiniyiinta.


